Taariikhda Siyaasadda Dalka Turkiga
Hordhac:
Turkigu waa mid aad u qurux badan, dhul ahaan waxa uu leeyahay qaab dhismeed buureed oo boqolkiba shan iyo konton dhibic sagaal (55.9%) ay ka sarayso joog dhan kun mitir (1000 mt) badda. Turkigu waa dal wax soosaar badan leh haday noqoto dhinaca beeraha, wax-soosaarku waa il ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu waa weyn ee dalka Turkigu ku tiirsan yahay, waxa taa sabab u ah dalka oo haysta biyo-waraab ku filan wax-soosaarka iyo dalaga beeraha.Waxay taasi fududaysay inuu dalku helo cunto iyo midho ku filan sannadkii oo u kaga maarmo cunto ama middo badan oo uu dibbada ka keensan lahaa.
Dhinaca kale dad ahaan dalka waxa lagu qiyaasaa 84 milyen afar iyo sideetan milyen oo boqolkiiba sagaashan iyo sideed 98% ay muslim yihiin; inkastoo ay bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba ay ku dhaqmaan ama aaminsan yihiin waxa looyaqaan secularism (secularism) cilmaaniyada. Luuqada rasmiga ah ee lagaga hadlo dhul weynaha Turkiga waa Af-Turk. Intaa waxa dheer, Dadka Turkigada ahi waa dad aad u jecel dalkood iyo calankooda, waa dad aad wadaniyiin u ah. Dhinaca kale waxa jirta in lagu tiriyo waddamada uu saameeyay dhaqanka reer galbeedku ama rer galbeedanga waxa looyaqaan (Westernisation), taa waxa sabab looga dhigaa; kow, in dalku juquraafi ahaan ka ag dhaw Yurub iyo waddamada reer galbeedka, labba, in jireen xidhidho hore oo taariikh ah aad u fog iyo in ay jirtay muhaajir asal ahaan turki ah oo waddamada reer galbeedka u yaacay siddaa daraadeed taasi waxay sahashay inay saamayn dhaqan oo taban ku yeeshan waddamada reer galbeedku dalka Turkiga.
Haddi aad is tidhaa la macaamil ama dhex-gel dadka turkida ah; iskastoo aanay u samaysanay dhaqan ahaan is-dhexgall ka bulsshooyinka ka dhaqan duwan ama ajnibiga ka ah iyaga haddana guriga qofka Turkiga ah waxaad ku arkaysaa labba shay;
Waa ta koobbade: calanka midab ka casaanka iyo bisha xidigta cad wadata dhexda ku leh waa mid sudhan guri kasta oo qof Turki ah.
Ta labbaad: Waxay indhahaagu qabanayaan markad soo gashid guri, xafiis shaqsi ama mid dowladdeed, sawirka asaasihii ama aabbihi jamhuuriyada cusub ee Turkiga Mustafa Kemal Paşa (Atatürk).
Dhalashadii Mustafa Kemal Iyo Asaaskii Jamhuuriyadda Cusub ee Turkiga
Ka dib dhicidii dowladdii/boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxa dhalatay jamhuuriyada cusub ee Turkiga, iyada oo uu fikirkeeda iyo dadaalkeedaba laha hoggaamiyihii weyn ee Mustafa Kemal Paşa (Atatürk) sannadkii 1923 kii oo ku beegnayd dabayaaqaddii dagaal weynihii aduunka.
Mustafa Kemal Paşa, waxa uu dhashay sannadku marku ahaa kun siddeed boqol sideetan iyo kowdii, 1881 magaalo la yidha Salonica oo ahayd wakhtigaa magaalo ay boqortooyaddii Cusmaaniyiinto ka talin jirtay, laakin hadda ah magaalo ka mid ah dalka Giriiga. Aabihii Ali Riza, waxa uu ahaa sarkaal cashuuraha ka shaqeeya markii dambena waxa uu noqday ganacsade, waxa uu aabihii geeriyooday Mustafa Kemal oo wali da’dii caruurnimada ku jira.
Mustafa hooyadii Zubeyde, waxay ahayd gabadh caqli iyo awood badan leh. Iyada oo sifiican u soo korisay isaga iyo shanta hablood ee uu la dhashay.
Waxbarashadiisi waxa uu bilawgii ka galay dugsi Qur’aan, kadib sannadku marku ahaa 1893kii waxa uu bilaabay dugsi sare oo milatari, halkaasi oo uu macalinkiisi madada xisaabtu siyaay magaciisa labbaad ee Kemal, wixii intaa ka danbeeyay waxa loogu yeedhi jiray “Mustafa Kemal.”
Sannadku marku ahaa 1915kii, waxa uu Mustafa Kemal ka qalin jabiyay akademiyada daggaalka ee magaalada Istanbul ku taalay, halkaasi oo uu ka gaadhay darajadda Kabtan “Captain”. Intaasi ka dib waxa loo diray isaga iyo koox uu ka mid yahay magalada dimishiq ee dalka suuriya. Sidda oo kale waxa uu isaga oo kornay ah ka shaqeeyay magaaladii uu ku dhashay iyo magalada Istanbul.
Isla sannadkii 1915kii markii uu socoday kacdoonkii la magac baxay Dardanelles, waxa uu Korneyl Mustafa Kemal noqday halyay saamayn badan ku yeeshay kacdoonka, taas oo u dalacsiisay Jeneral. Labbadii sannadood ee ku xigay waxa uu noqday Komaandorka “Commander” dhawr ciidan dowladdii Cusmaaniyintu u dirtay dalka Falastiin, magaalada Aleppo ee dalka Suuriya, iyo meela kale oo badan, isaga oo ahaa mid helaaya guulo is daba joog ah.
Mustafa Kemal, isaga oo adeegsanaaya dadaalo hor leh oo waxa uu sannadku marku ahaa 1919kii uu halgankiisi ugu horeeyay ka bilaabay magaalada xeebta ku taale ee Samsun, si uu meesha uga saaro dowladdii ay madaxda ka ahaayeen Sulaadiinti Cusmaaniyiintu. Sannad ka dib waxa uu noqday hoggaamiye sumcad iyo samaayn badan ku leh bulshada dhexdeeda, taasi waxay horseeday in loo doorto hoggaamiyaha golaha qaranka.
Dhamaadkii bishii Agusto sannadkii 1922ki, ciidamadii turkidu waxay soo hooyeen guulo waa weyn oo wax ku ool ah, isla toddobaado guddahood waxay la wareegen dhulka joogiisu sareeeyo ee buuralayda ah. Guushaasi waxa suurta galisay inay dowladii uu hoggaaminaayay Musatafa Kemal, ay xeshiiskii weyna ee Cahdigii Lausanne “Lausanne Treaty” ay la gasho dowladdihi kala aha: Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska,Giriiga,Talyaaniga iyo wadamo kale oo badan. Isla sannadaasi bishii Oktoober waxa magaalo madax ay ka hawl gasho u aqoonsatay dowladii cusbayd ee loo doortay Musafa kemal magalada Ankara, oo haatan weli ah magalo madaxda dowlada Turkiga.
Isbadaladii Mustafa Atatürk
Mustafa Kemal waxa uu halgan dheer u galay siddii dadka turkida ahi ay u heli lahaayeen xoriyadd dhul,dhaqan,diimed, waxbarasho iyo mid dadnimo. Waxa uu ahaa mid horseeday inay dad ka turkidii ay awood u leeyihiin inay yeelan karaan dowladd, calan iyo nidaamka dimuquraadiyada casriga ah ee maanta dunidda intiisa badan ka jira. Badhtamihii sannadii 1934kii golahii baarlamenka wakhtigaasi waxay si sharci ah ugu ansixiyeen ama siiyeen magaca “ATATÜRK”, kaas oo macnahiisu yahay “Abihii Turkida”.
Ujeedadii ugu weyneydee Kemal Atatürk waxay ahayd, inuu ka dhigo nolosha dalka Turkiga mid casri ah oo la jaanqaadi karta waddamada reer galbeedka. Haddaba barnaamijkiisi cusboonaysiinta Turkiga waxa ugu muhiimsana, kala saarida diinta iyo dowlada isaga oo muhiimada saaray waxbarashada. Run ahaanti waxa uu abuuray nidaamka loo yaqaan “Sekulaar” (secular system), nidaamkaas oo ah in diinta dowladu ay kala madax banaanaadan, taa macneheedu waxay tahay; In Muslimka haysta aqlabiyadda iyo dadka aad ka u tirada yar ee diimaha kale aaminsan ay si xor ah ugu noolaadan dalk una caabudaan waxay aaminsan yihiin.
Kamâl Atatürk oo furaaya wado ku taal magaalada Samsun, 1928 https://en.wikipedia.org/wiki/Mustafa_Kemal_Atat%C3%BCrk#/media/File:Atat%C3%BCrk_Samsun-%C3%87ar%C5%9Famba_tren_hatt%C4%B1_a%C3%A7%C4%B1l%C4%B1%C5%9F%C4%B1nda.jpg
Muddane Kemal waxa uu shan iyo tobbankii sannadood ee uu madaxweynaha ka ahaa Jumhuuriyadii cusubeyd ee uu abuuray ku sameeyay isbadalo waa weyn dhinac kasta leh. Tusaale ahaan waxa uu meesha ka saaray habkii dowliga ahaa ee ku dhisnaa shareecada Islaamka ee ay sameeyeen dowladii Cusmaaniyiintu intay ka talinaayeen dalka Turkiga. Dhinaca kale, waxa uu ka joojiyay dumarka Turkiga ah inay xidhaan xijaabka.waxa kale oo uu badalay kaladhanki muslimka isaga oo ku badalay ka miilaadiga,sida oo kale waxa dhamaan dadka turkidii ay adeegsadeen ama ay qaaten magaca labbad ee qoyska, tusaale ahaan haddi maagaca qofka Turkiga ahi uu ahaa markii hore sidan: ALI SALAH ÖMER waxa uu isu badalayaa sidan: ALI ÖMER.
Isbadaladii Mustafa Atatürk intaa kuma eeka waxa kale oo uu isbadalo waa weyn ku sameeyay dhinaca dhaqaalaha dalka. Markii uu xukunka wadanka la wareegay dhaqalaha wadanku waxa uu ahaa mid aad u hooseeya, waxa saameeyay dagaaladii iyo qalalaasihii dhinaca siyaasada.Waxa aad u hooseeyay dalaga ka soo go’a beeraha,wax-soosaarka dalka iyo iyadoo lagu lahaa daymo tiro badan oo ay galeen dowladii Cusmaaniyiintu wakhtigii ay dalka xukumaayeen.dhamaan caqabadahaasi waxa uu Muddane Mustafa Atatürk dhaxda u xidhay siddii uu meesha uga saari laha dhamaan caqabadahaasi si loo heelo yoolka iyo himilada ah in la dhiso Jamhuuriyada dimuquraadi xor ah oo leh dhaqaale iyo awood adag oo ay kula tartanto wadamada reer galbeedka.
Ugu danbayntii, shan iyo tabban 15 sannadood oo uu asaase,aabe, madaxweyne iyo hoggaamiye saamayn badan ku yeeshay dalka Turkiga, waxa uu u geeriyooday wadna xanuun uu dhawr bilood u jiifay sannadku marku ahaa 1938kii.
Waxa jirta hal ku dhig ka mid ah hal ku dhigayadii uu yidhi wakhtiyadii kacdoonada uu ka waday dhulk Turkiga oo ay aad u adeegsadaan dadka Turkigda ahi.
Wuxuuna yidhi: “Waxa jira labba Mustafa Kemal, ka koobbad, waa kan hilaaca iyo dhiiga ah kaaso imika hortiina taagan kaas oo iska tagi doona.
Ka labbaad waa idin ka dhamaantin, kuwaaso oo tagi doona dhulkeena fog-fog si ay u faafiyaan fikradaha gaarka ah taaso ah difaacida nafihiina haddii ay tahay daruuri. Waxaan u istaagay riyadda qaranka, iyo shaqada naftayda si aan uga dhigo mid rumowda.”
“There’re two Mustafa Kemals, One the flesh-and-blood Mustafa Kemal who now stands before you and who will pass away. The other is you, all of you here who will go to the far corners of our land to spread the ideal which must be defended with your lives if necessary. I stand for the nation’s dreams and my life’s works is to make them come true”
Afgembi
Ereyga Afgembi hadii aad ka eegtid Qaamuuska Af-Soomaaliga waxa kuu soo baxaya qeyexidan:
Afgembi waa Hab aan sharci ahayn oo dowlad sharci ku timid loo beddelo
Haddaba, iyada oo ay siddaasi tahay haddana afgembiyadu waa qaar uu caan ku yahay dhul weynaha Turkigu, laga soo bilaabo asaasihii jamhuuriyada cusub ee Turkiga Mustafa Kemal Paşa (Atatürk). Waxa ka dhaca afgembiyo tiro badan oo xukunka ay lawareegeen ciidanka miletarigu. Sannadkii kun sagaal boqol iyo lixdankii 1960ki ayay miletarigu la wareegen dowladii kadib xiisaddo ka dhex aloosna dowladii iyo kooxo mucaaradd ah, dowladii uu reysal wasaaraha ka ahaa Adnan Mendres iyo madaxweynihisi Celal Bayar, waxa lagu eedeeyay inay ka leexdeen dariiqi asaasihii Turkiga Mustafa Kemal Atatürk iyaga oo mucaaridku sheegay inay u janjeedhsameen dhinaca diinta.tusaale ahaan waxa dhacday in boqolaal masaajid lagu tukaday luuqada Carabiga halkii ayka ahayd Af-Turki.
Dhamaaan xisadahaasi waxay galaafteen dowladii reysal wasaare Adnan Menderes iyo madaxweyne Celal Bayar iyada oo labbadooda iyo koox wasiirro ah la xidhay, muddo ka dib waxa la mastaafuriyay reysal wasaarre Adnan Menderes iyada oo uu maalmulkii madaxweyne iyo reysal wasaarre la wareegay Jeneraal Cemal Gursel. Siddaa si lamida sannadii kun sagaal boqol toddobaatan iyo kowdii 1971di waxa dhacay kacdoon ay sababeen sixir-bararyo kaas oo uu gaadha boqolkiiba sideetan 80% heerka sixir-bararku taasi waxay keentay inay kooxo dhinaca midigta ahi fuliyaan weeraro tiro badan magaalooyink qaar, sidda darteen waxa muhiim noqotay in miletarigu so farageliyo si wax looga qabto ama kala danbayta loo soo celiyo. Intaasi kadib waxaa xukunka si aan toos ahayn u hayay miletarig ila sannadii kun sagaal boqol toddobaatan iyo saddexdii 1973.
Isla sannadkasi markii uu shaqadii taliyaha ciidamada badda ka fadhiistay Fahri Koruturk waxa ay baarlemankii ka dhegeen madaxweyn, siddaasna waxay taladii wadanku markale gacana u gashay miletariga.
Dhinaca kale, laga soo bilaaabo sannadkii kun sagaal boqol toddobaatankii 1970kii waxa dhacaday in resal wasaaraha la badalay in ka badan tobban jeer 10, qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba halka kooxa midigta fogna ay samaynaayeen mudaharaadyo badan, dhamaan dhibaatooyinkaasi waxay galaafteen in la khaarajiyo in ka badan boqolaal qof. Ka dib horaantii sannadii kun sagaal boqol iyo siddeetankii 1980kii ayay koox saraakiil ciidan ahi telefiishanka dowlada kaga dhawaaqen inay xukunkii la wareegeen, waxaana madaxweyne u noqoday ninka la yidhaa Evren halka sarkaal ciidamada badda ka tirsan la wareegay jogadda reysal wasaarraha dalka. Waxa xusid mudan intii ay xukunka hayeen dowladaasi inay meelmariyeen dastuur cusub iyada oo cod dadweyne loo qaaday sannadkii kun sagaal boqol siddeetan iyo labbadii 1982. Afgembiyadu intaa kuma istaagin waxay ahaayeen qaar sidda silsilada ah oo isdaba socday ilaa laga soo gaadhayay kii ugu danbeeyay ee dhacay labba kun lix iyo tobban 2016kii.
Haddaba, haddii aan u imaado kan u danbeeyay ee dhacay (shan iy tobban kii bishi Julaay labba kun tobban iyo lixdi 15 kii July 2016) oo ahaa mid dhiig badan ku daatay in badan 300 saddex boqol oo qof ayaa ku naf waayay halka in ka badan 2,100 labba kun iyo boqol qof ay ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan. Waxa intaasi dheer burburka so gaadhay hantidii dadweynah iyo qaybaha ugu mihiimsan guryaha dowladda oo ay ugu horeyso xarunta baaralemanka iyo madaxtooyada looga arrimiyo dalka.
Haddaba sikastoy ahaataba, s’aashu waxay tahay; kan fashilmay ee lagula kacay Recep Deyib Erdoğan ma lagu sababayn karaa waxqabad la’aan iyo musuqmaasuq?
si aynu uhelno jawaabta su’aashan waxaan in yar katilmaami doonaa waxyaaba ugu waa weyn ee lagu soo oogi karo Erdoğan:
Wax-qabadkii Madaxweyne Recep Tayyib Erdoğan
Inkastoo waxqabadka madaxweyne Erdoğan lagu soo koobi karin hal qormo laakin aan wax ka yara xuso, wax soosaarka Turkiga laba kun saddex iyo tobban 2013kii wuxuu gaaray tirilayoon iyo boqol 100 milyaar, taas u dhiganta isugeynta wax soosaarka Sacuudiga, Iiran iyo Imiraadka oo ah wadamada ugu dhaqaalaha xoogan beriga dhexe. Madaxweyne Erdoğan kahor Turkigu waxay aheyd kaalinta 111 kala horaynta dhaqaalaha aduunka, maantana kaalinta lix iyo tobbnaad 16, taas oo kadhigeysa inay Turkigu galo labbatan 20ka dowladood ee aduunka ugu dhaqaalaha xoogan, sidaasna xubin buuxda kaga noqotay wadamada la yidhaa G20.
Sanadkii 3aad oo isdabajoog ah ayaa diyaarada (Turkish Airline) la gudoonsiiyey inay tahay diyaarad laraaco tan ugu fiican qaarada Yurub.
Dakhliga qofka Turkiga ah wuxuu ahaa tobban 10kii sanno ee lasoo dhaafay isku celcelis saddex kun iyo shan boqol oo doolar $ 3500, sannadkii labba kun sadde iyo tobban 2013kii wuxuu gaaray11,000, kaas oo aad uga sareeya dakhliga muwaadinka Faransiiska ah. Lacagta wadanka ee loo yaqaan (Lira) ayaa qiimaheeda kor u kacayday 30 jeer.
Dhinaca wax dhoofinta tobban 10 sanno kahor Turkigu dhaqaalaha kasoo galo waxyaabaha ay aduunka u iibgayso wuxuu ahaa saddex iyo labbaatan 23 bilyan, maanta wuxuu ka sareeyaa boqol konton iyo saddex 153 bilyan.
Dhiraynta iyo qurxinta magaalooyinka, tobban 10 sanno guddahood dowlada Turkey waxay talaashey labba 2 milyaar iyo toddoba boqol iyo toddobaatan 770 milyoon oo geed oo isu jira kuwa miro leh iyo geeda sikale looga faa’ideysto.
Xukuumadda Erdoğan waxay dib u hagaajin ku samaysay qashinka iyo xashiishkii magaalooyinka, si ay uga soo saarto tamarta koronta, guud ahaan boqolkiiba sagaashan iyo siddeed 98% guryaha dalku waxay leeyihiin koronta ama laydh.
Dowlada Turkigu waxay sameysatay markii u horeysey taariikhda wadanka gawaadhida gaashaaman ee aanay rasaastu karin, diyaaradaha xamuulka, diyaaradaha sirdoonka ee aan laheyn duuliyaha (drones), iyo dayax-gacmeed loo istimaali karo howlaha miletiriga iyo ujeedooyin kalaba. Dhinaca kale, markii uu burburay dhaqaalaha Yurub iyo mareykanku ee jaamacadahooda kordhiyeen lacagta (fee) waxbarashada, Muddane Erdoğan wuxuu soo saaray amar ah in dhamaan waxbarashada wadanka laga dhigo bilaash oo ay dowlada bixiso wixii kharash ah.
Muddane Erdoğan tobban 10 sanno gudahood wuxuu dhisey boqol labbaatan iyo shan 125 jaamacadood, boqol siddeetan iyo sagaal 189 iskuul, shan boqol iyo tobban 510 dhakhtar iyo boqol lixdan iyo sagaal 169 kun oo fasalo casri ah oo kiiba ay fariisanayso 21 arday.
Dowlada Turkey, saddex boqol oo kun 300,000 oo caalim oo ku takhasusay maadooyin kala duwan ayay ka hawlgalisay inay sameeyaan cilmi-baaris si loo gaaro horumarka iyo himilada latiigsanayo sanadka markuu yahay labba kun labbaatan iyo sadddexda 2023.
Dhinaca Siyaasadda
Hadaynu jaleecno dhanka siyaasada, madaxweyne Erdoğan wuxuu nabad ka dhaliyey labbada jasiiradood ee ay u kala qaybsan tahay Qubrus (Cyprus). Dhinaca kale waxa uu wadahadalo nabadeedna lagalay Kurdiyiinta sidii loo joojinlahaa dhiiga qubanaya, dhinaca kale wuxuu u cudurdaartay wadanka Armania oo khilaaf u dhexeeyey sagaashan 90 sannadood in ka badan.
Erdoğan intuu xukunka qabtey, mushaharka shaqaalaha wuxuu kor u kacay boqoal kiiba saddex boqol 300%, waxaa hoos u dhacay shaqo la’aantii aheyd boqol kiiba soddon iyo siddeed 38% ilaa ay gaartay boqolkiiba labba 2%.
Miisaaniyada waxbarashada iyo caafimaadka ayaa kabadan tan difaaca, isagoo siiyay macalinka mushahar u dhigma kan dhakhtarka.
Turkigu wuxu dhisatay soddon iyo shan kun 35,000 oo goobbo shaybaadh ah oo ay yalaan qalab shaybaad kii ugu casrisanaa, kuwaas oo ay ku tabobaranayaan da’yarta wadanka, ayagoo xur ka ah hay’adaha sirdoonka reer galbeed ee had iyo jeer gacanta ku dhiga maskaxda qofka ay soo tababaraan.
Madaxweyne Erdoğan wuxuu bixiyey deyntii Turkiga uu kulahaa bankiga aduunku (World bank) gabi ahaanba, kadibna isaga oo dib u amaahiyey bankiga aduunka lacag, Wuxuu kusoo shubay bankiga dhexe ee dowlada boqol 100 bilyan, xili ay dowladaha waa weyn ee Yurub iyo Maraykan ay lakufaa kacayeen mashaakilkii kadhashay deymahii, ribadii iyo hay’adahii dhaqaalaha aduunka ee kacay.
Wadamada reer Galbeedka iyo qaar badan oo Carab ahiba waxay ku sheegaan Muddane Erdoğan inuu yahay kaligii-taliye (dictator), laakin ma aha runt, waxa tusaale kuugu filan sheekadii dhex martay ama doodi dhex martay isaga iyo gabadh yar oo labba iyo tobban 12 jir ah, lagana daawaday warbaahinta, ayagoo kadoodaya mustaqbalka wadanka. Doodu intay socotay, Erdoğan wuxuu ahaa mid aad ula cajabey caqliga gabadhaas, wuxuuna muujiyey ixtiraam ra’yigeeda isagoo kudhiirigalinaya caruurta Turkiga ah inay kudaydaan habka dood wanaaga iyo cida mustaqbalka xukumi doonta.
Sidaynu la wada socono madaxweyne Erdoğan wuxuu saaxibo layahay Israaiil laakinse wuxuu kuqasbay inay ka cudur daarato dhacdadii Marmara ee usocotay Gaza, wuxuuna shardi kaga dhigay inay Gaza cunaqabateyta kaqaado si uu u aqbalo cudur daarkeeda.Sidda si la midda Erdoğan waa kii cambaareeyey madaxweynaha Israaiil Shemon Pares oo shirka isaga kacay ayadoo ay wadamada Carantii fadhiyaan shirka Gaza darteed isagoo yiri: “Waa ceeb iyo wax laga yaqyaqsooda inaad usacab tuntaan hadalka Shemon kadib markii ay Israel kugumaadey kumanaan caruur iyo dumar ah magaalada Gaza!”
Madaxweyne Erdoğan wuxuu soo celiyey in Qur’aanka iyo xadiiska Nabiga (SCW) lagu dhigo iskuulada wadanka kadib markii ay arintaasi mamnuuc ahayd muddo sagaashan 90 sannadood ku dhawoow.Muddane Erdoğan wuxuu siddoo kale isku taxaluujiyay sidii xijaabka looga qaadan lahaa jaamacadaha, dowladaha hoose, goobaha cadaalada, iyo guud ahaanba wadanka Turkiga.
Haddaba si aan uga jawaabno su’aaashi aan xiga sarre ku xusay ee ahay isku daygii afgembi ee lagula kacay madaxweyne Erdoğan waxa sabab u ahaa waxqabad la’aan haysataa dowladda uu hoggaaamiyaha ka yahay?
Jawaabta su’aashas waxa ka jawaabaysa waxaqabadkiisaa tiradda badan ee xaga sarre ku xusan iyo qaarkale oo laakin wakhtiga ama aqoonteeda aanan lahayn oo aan gafay. Sikastooy ahaataba
Waxa afar iyo labbaatan 24ka bishan Juun dalka Turkiga looga dareerayaa doorashada madaxtinimada iyo ta baarlamaanka, oo markii ugu horaysay taariikhda dalka Turkiga isku mar la qabanaayo iyadoo wakhtigeedi hore looga soo dhigay.
Waxa jira in ku dhow tobban xisbi oo u tartamaaya doorashada,waxa xusid muddan in ay jiraan is xulafaysii dhanka xisbigayada dhexdooda aha, tusaale ahaan, waxa jira labba garab oo waa weyn oo is xulafaystay ama is garabsaday waa ka koobaade: Isxulafaysiga Dadka (People’s Alliance). Waxa uu is xulafaysi ka dhexeeya: Xisbiga Horumarka Iyo Cadaaladda (AK), oo ah xisbiga dowlada ee uu hoggaamiyo madaxweyne Erdoğan lana asaasay sannadki labba kun iyo kowdii 2001 oo haysta saddex meeloowdow labba kuraasta baarlamaanka dalka, iyo labbada xisbi ee kala ah: Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyada (MHP) oo uu asaasay Alparslan Turkes sannadkii kun sagaal boqol lixdan iyo sagaalki 1969 ki ee uu hoggaamiyo Devlet Bahceli, iyo Xisbiga Koserfetif ah ee (BBP) kaas oo uu asaasay Muhsin Yazicioglu sannadkii kun sagaal boqol sagaashan iyo saddex 1993. Saddexdaa xisbi oo u bixiyay ama labaxay Isxulafaysiga Dadka (People’s Alliance).
Dhinaca kale waxa isna jira isxulafaysiiga la yidhaahdo: Isxulafaysiga Qaranka (Nation’s Alliance) oo uu isxulafaysi ama isgarabsi ka dhexeeyo xisbiyadda kale ah: Xisbiga Jamhuuriyada dadka (CHP) oo ah xisbiga ugu da’da weyn dalka Turkiga oo uu asaasay Abihii Turkiga Musafa Kemal Atatürk sannakii kun sagaal boqol labbaatan iyo saddexdii, waxa hoggaamiye ka ah Kemal Kilicdaroğlu, iyo Xisbiga Wanaaga (İYİ) ah xisbi cusub oo ay asaasaytay gabadha layidhahdo Meral Aksener sannakii labba kun toddoba iyo tobban 2017kii. Waxa iyaguna jira ilaa afar 4 xisbi oo yaryar kana mida ah Isxulafaysiga Qaranka (Nation’s Alliance).
Haddaynu uu nimaadno dhinaca musharixiinta madaxweynaha, waxa jira lix 6 musharax marka lagu daro madaxweynaha hadda talada dalka haya,waxaanay kala yihiin siddan:
- Muharrem Ince (CHP) Xisbiga Jamhuuriyadda Dadka
- Meral Akşener (IYI Party) Xisbiga Wanaaga
- Recep Tayyip Erdoğan (AK Party) Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, ahna Madaxweynaha hadda dalka
- Selahattin Demirtaş (HDO) Xisbiga Dimuquraadayada Dadka
- Temel Karamollaoğlu SAADET Party
- Doğu Perincek (VATAN Party)
Gabaggabo
Taariikhdan salka weyn leh waxaan ku soo gunaanadayaa, dalkan Turkiga ee sooyaalka balaadhan ee siyaasadeed leh markaad u fiirsatid ama aad si qoto dheer u eegtid waxaad garan kartaa ama kuusoo baxaysa in dalka Turkigu uu yahay siyaasad ahaan, juquraafi ahaan iyo weliba dad ahaan mid muhiimad weyn leh.Iyada oo ay weliba taariikhdiisaa(Turkiga) hore iyo haddaba ay wadamada reer galbeedku fara gelin dadban ku hayeen, haddana taasi kama dhigin Turkiga mid u nugul oo ay siday rabban ka yeelaan. Waxa loo sababeeya guuldaradaa ay ku fashilmeen reer galbeedku,inay ugu weyn dadka Turkiga ah oo dalkooda aad u jecel oonay weliba u dheertay inay haystaan hoggaamiye dadkiisa jihayn kara.
Ugu danbayntii kadib afar iyo labbaatanka 24 bishan Juun waxaynu filaaba waa Turkiga oo hela madaxweyne cusub iyo madaxweyne ku xigeen iyo in dalka Turkigusii wada guulihiisa waa weyn iyo qaar kaloo dhaxalgal noqda. Si uu u gaadho yoolka ama himilada labba kun soddon iyo saddex ah 2033ka.
Fiiro-gaar ah, Waxaan doonaya inaan idin xasuusiyo haddii ay jirto, waa bay jirtaaye inaan wax ka tagay ama aan qalday, waa wax aanan xogteeda hayn ama aanan aqoonteeda lahayn. Xuquuda qoraalkuna waxay u dhawrantay qorraaga, lama koobiyayn karo, lamana qaadan karo qaybo ka mid ah qoraalkan fasax la’aan.
Ma qaldame waa ALLE!
ALLA MAHAD LEH,
Xuquuqda qorraalka: Mukhtar Mohamed
Comments
Post a Comment